Summa sidvisningar

måndag 19 maj 2014

SHAAH (Camellia sinensis)


SHAAH (Camellia sinensis)
Geedka caleenta Shaaha laga goosto kama baxo Soomaaliya, laakiin guri kasta oo Soomaaliyeed waa laga cabbaa, dhulka uu ka baxo waxa noogu sokeeya Keenya oo Ingiriisku ku beeray.Markii u horeysay oo ay dadku shaaha cabbaan waxa taariikhyahanadu sheegaan in ay ka soo bilaabatay dalkaa Shiinaha. Gobolka Shenong. 

Sheeko caan baxday ayaa waxay tiraahdaa boqor ka talin jiray dhulkaas 2700 ka hor dhalashadii N.Ciise (cs), ayaa biyaha inta aanu cabbin loo kululeyn jiray, maalin isagoo beertiisa dhex jooga oo raba in uu cabbo biyihiisii kululaa ayaa koobkii waxa kaga dhacay dhawr caleemood oo geedka shaaha ka soo go’day, midabkii biyaha ayaa casaan noqday, dhadhan iyo udug gaar ahna waa yeesheen, markuu kabbadayna waa u bogay, kadibna in daawo ahaan loo cabbo oo cudurro badan lagu daweeyo ayaa halkaa ka bilaabatay, kadibna wuxu noqday cabitaan caadi ah oo la cabbo in uu sameeyo ka hortagga jirrooyinkaas, kuna faafay koofurta Aasiya ilaa Hindiya iyo Sirilaanka.


Yurub iyo ummadaha wax qorta waa diiwaan gashan yihiin waqtigii uu soo gaaray shaahu, laakiin Soomaalida oo ahayd ummad aan waxba qoran lama sheegi karo waqtiga ay bilaabeen cabbidda shaaha, inkasta oo ay u badan tahay in Soomaalidii hore ee xiriirka ganacsi la lahayd kofurta fog ee Aasiya uu halkaas inooga yimid.


Maahmaahyada Soomaalida waa lagu xusay shaaha oo waxa layiri” Nimaan shaqaysan, Shaah waa ka xaaraan” waxay u egtahay maahmaahdaasi in magaalo laga curiyey. Waxay kaloo yiraahdaan iyaga oo raggu is xigsiinayo cabitaanka shaaha, “Rag waa shaah, dumarna waa sheeko” weliba gobolada qaar waxa la yiraahdaa inta ay haweenku ugubka yihiin haddi ay shaaha cabbaan waa ku jilcayaan!.
Reer miyigu marka caleenta shaahu ka go’do waxay shaah ka dhigtaan geedka Gogobaha oo ay caleentiisa karsadaan, kadibna sidii shaaha u dhadhama. Soomaalidu xawaash badan iyo sakor badan bay shaahooda ku darsadaan, halka Bariga fog aaney wax kale ku darin ee sidiiisa u cabbaan isagoo kulul, Yurub iyo Woqooyi Amerikana markii la kariyo ayaa la qaboojiya(Ice tea) kadibna asagoo qabow la cabbaa.

WQ: Mohamed Abdullahi Jama
Almadow Post

Inga kommentarer:

Skicka en kommentar