Summa sidvisningar

måndag 19 maj 2014

SHAAH (Camellia sinensis)


SHAAH (Camellia sinensis)
Geedka caleenta Shaaha laga goosto kama baxo Soomaaliya, laakiin guri kasta oo Soomaaliyeed waa laga cabbaa, dhulka uu ka baxo waxa noogu sokeeya Keenya oo Ingiriisku ku beeray.Markii u horeysay oo ay dadku shaaha cabbaan waxa taariikhyahanadu sheegaan in ay ka soo bilaabatay dalkaa Shiinaha. Gobolka Shenong. 

Sheeko caan baxday ayaa waxay tiraahdaa boqor ka talin jiray dhulkaas 2700 ka hor dhalashadii N.Ciise (cs), ayaa biyaha inta aanu cabbin loo kululeyn jiray, maalin isagoo beertiisa dhex jooga oo raba in uu cabbo biyihiisii kululaa ayaa koobkii waxa kaga dhacay dhawr caleemood oo geedka shaaha ka soo go’day, midabkii biyaha ayaa casaan noqday, dhadhan iyo udug gaar ahna waa yeesheen, markuu kabbadayna waa u bogay, kadibna in daawo ahaan loo cabbo oo cudurro badan lagu daweeyo ayaa halkaa ka bilaabatay, kadibna wuxu noqday cabitaan caadi ah oo la cabbo in uu sameeyo ka hortagga jirrooyinkaas, kuna faafay koofurta Aasiya ilaa Hindiya iyo Sirilaanka.


Yurub iyo ummadaha wax qorta waa diiwaan gashan yihiin waqtigii uu soo gaaray shaahu, laakiin Soomaalida oo ahayd ummad aan waxba qoran lama sheegi karo waqtiga ay bilaabeen cabbidda shaaha, inkasta oo ay u badan tahay in Soomaalidii hore ee xiriirka ganacsi la lahayd kofurta fog ee Aasiya uu halkaas inooga yimid.


Maahmaahyada Soomaalida waa lagu xusay shaaha oo waxa layiri” Nimaan shaqaysan, Shaah waa ka xaaraan” waxay u egtahay maahmaahdaasi in magaalo laga curiyey. Waxay kaloo yiraahdaan iyaga oo raggu is xigsiinayo cabitaanka shaaha, “Rag waa shaah, dumarna waa sheeko” weliba gobolada qaar waxa la yiraahdaa inta ay haweenku ugubka yihiin haddi ay shaaha cabbaan waa ku jilcayaan!.
Reer miyigu marka caleenta shaahu ka go’do waxay shaah ka dhigtaan geedka Gogobaha oo ay caleentiisa karsadaan, kadibna sidii shaaha u dhadhama. Soomaalidu xawaash badan iyo sakor badan bay shaahooda ku darsadaan, halka Bariga fog aaney wax kale ku darin ee sidiiisa u cabbaan isagoo kulul, Yurub iyo Woqooyi Amerikana markii la kariyo ayaa la qaboojiya(Ice tea) kadibna asagoo qabow la cabbaa.

WQ: Mohamed Abdullahi Jama
Almadow Post

Sheeko: Awrka Cirka.




Sheekada  Awrka Cirka waxaa kala dhaxlay  facyaal badan ee Soomaaliyeed, waxayna tusaysaa fiirodheerida dadwaynihii curiyey sheekada noocaas ah. Habeennada mugdiga ah  dhinaca koonfureed ee  Cirka, marka la joogo dalalka xilligoodu kulul yahay,  waxa la arki karaa Malluug u eg muuqaal neef geel ah oo xiddigo xayn ah jaangooyeen, ama ku teedsan yihiin. Malluugaasi waxuu  ku ag yaal kooxaha xiddigaha loo yaqaan ''Wadaamagooysyo'', (The Southern Cross). Soomaalidii hore  sheekoxariiro yaab leh bay ka curiyeen ''awrkaas cirka'', waxayna isku dayeen in ay soo qabsadaan oo addeegsadaan! waa yaabe, sidee bay ku haweeysteen in ay cirka tafaan  oo ratigaas ku gaaraan?

Waxaa la yiri dadkii waxay tafeen buur dheer oo la yiraahdo Buur Cir 1) intuu qofba qof kor u qaaday. Sidaas bay dadkii ku dhisteen sallaan cirka gaarsiiya.

Goortii ninkii  dadka  ugu sarreeyey ratigii dabada ku soo dhegay buu ogaaday in uu dhulkii ku soo illaaway xarrigii uu ratiga ku soo hoggaamin lahaa. Kadib waxa uu u qayliyey ninkii  uu garabkiisa ku taagnaa  oo ku yiri:

- War hoggaankii ii soo dhiiba ku dheh dadka  hoosta jooga.

Markaas baa  ninkii dadka  ugu hooseeyey damcay in uu xarriga dhulka ka soo qaadooo u dhiibo  dadkii ka sareeyey. Goortii  ninkii  hoose foorarsaday oo is yiri xariggii soo qaad  baa  dadkii kore oo dhammi  soo daateen. Ninkii ugu korreeyey baa ratiga dabadiisii u soo ruqday, markaasuu yiri :

- Hoheey! Dhul ii ma dhowa
Dheefna ma helin!

Sidaas bay warisay Sheekoxariiradan Soomaliyeed oo muujinaysa hawoweynida qof oo himiladiisu tahayin uu ka jibakeeno ama ka adkaado abuurta ku wareegsan.  Maantana waxaynuba aragnaa  in loo sahan tegey Xiddigaha iyo ka shishay.

1) Waxaa la yiraahdaa Calmiskeed oo ka mid ah buuraha  Golis  ee Gobolka Sanaag bay ahayd buurtaasi
--
WQ: Axmed Cartan Xaange
Almadow Post

söndag 18 maj 2014

Ka baro Gorgorka sida uu u noolaado 70 sanno, nolol caafimaad qabta!

Haddii aad rabto is badal dhab ah in aad noloshaada ku samayso ,Ka baro Gorgorka sida uu u noolaado 70 sanno oo ah nolol caafimaad qabta!



Gorgorka ayaa lagu tilmaama in uu yahay shimbirka ugu cimriga dheer aduunka. Cimrigiisu waxa uu gaadhaa ilaa 70 sanno, laakiin si uu u noolado mudada dhererka intaa le'eg, Gorgorka waxa la soo gudboonaata in uu go'aan adag qaato marka da'diisu gaadho 40 sanno. Da'dan 40 ka uu noqdo,Gorgorka waxa hawl gaba ciddiyihii uu ku ugaadhsan jiray, (oo ahayd isha kaliya ee nolol maalmeedkiisa ku heli jiray), Waxa afkiisii dhuubnida oo xoogga badna uu noqdaa mid tamar darnaada soona gotta/qalloocda, Waxa baallihiisii u fududayn jiray in uu duulo noqdaan kuwo aad u culus miisaanka waynaanta ku fuulay darteed.


Duruuftan adagg, Gorgorka waxa ay hordhigtaa laba midkood in uu doorto: In uu geerida isu dhiibo, noloshiisuna halkaa ku dhamaato, iyo in uu galo tababar aad u adag qaadanayana mudo 150 maalmooda.



Tababarkan adagg ayaa ah in uu Gorgorku fuulo buur aad u dheer dhaladeeda/fiinteeda, halkaas oo badanaa uu ku ilaashado ugaxdiisa, kuna garaaco afkiisii soo gottay dhadhaab ama dhagax ilaa fiinta afku ka jabayso. Waxa uu sugaa ilaa Af cusub uga soo baxayo. Waxa kale oo cidiyihii gaboobay ku gaaracaa dhadhaabta ilaa ay ka jabaan dabadeedna waxa uu sugaa inta ciddiyo cusub uga soo abaxyaan. Waxa uu tiffaa ama jaraa baallihiisii hore dabdeedna sugaa inta baalal cusub uga soo baxayaan.

Muddo 5 bilooda ka bacdi waxa uu Gorgorku soo laabtaa isaga oo lamida Gorgor hada dhashay oo kale hlkaasna ay uga bilaabataa nolol cusub oo 30 sanno ah. Dhamaystiridoonta 40 kii sanno ee uu hore u soo noola ; Kana dhigta cimrigiisa 70 sano oo ah nolol caafimaad qabta!!!!!!!!!

XIKMADA ku jirta qissadan waxa weeye hadii aad rabto in aad is badal dhab ah naftaada ku samayso in aad oggolaato dhibka isbadalkan aad u marayso. Ka takhallusto xusuusahaagii iyo hab-dhaqankaagii qalloocnaa ee dib kuu dhigay.Taas kaliya ayaa dammaanad qaadi karta in aad hesho nolol cusub oo caafimaad qabta.
WQ: Xassan Max'ud Max'ed Shire 
Almadow Post