Summa sidvisningar

måndag 19 maj 2014

Sheeko: Awrka Cirka.




Sheekada  Awrka Cirka waxaa kala dhaxlay  facyaal badan ee Soomaaliyeed, waxayna tusaysaa fiirodheerida dadwaynihii curiyey sheekada noocaas ah. Habeennada mugdiga ah  dhinaca koonfureed ee  Cirka, marka la joogo dalalka xilligoodu kulul yahay,  waxa la arki karaa Malluug u eg muuqaal neef geel ah oo xiddigo xayn ah jaangooyeen, ama ku teedsan yihiin. Malluugaasi waxuu  ku ag yaal kooxaha xiddigaha loo yaqaan ''Wadaamagooysyo'', (The Southern Cross). Soomaalidii hore  sheekoxariiro yaab leh bay ka curiyeen ''awrkaas cirka'', waxayna isku dayeen in ay soo qabsadaan oo addeegsadaan! waa yaabe, sidee bay ku haweeysteen in ay cirka tafaan  oo ratigaas ku gaaraan?

Waxaa la yiri dadkii waxay tafeen buur dheer oo la yiraahdo Buur Cir 1) intuu qofba qof kor u qaaday. Sidaas bay dadkii ku dhisteen sallaan cirka gaarsiiya.

Goortii ninkii  dadka  ugu sarreeyey ratigii dabada ku soo dhegay buu ogaaday in uu dhulkii ku soo illaaway xarrigii uu ratiga ku soo hoggaamin lahaa. Kadib waxa uu u qayliyey ninkii  uu garabkiisa ku taagnaa  oo ku yiri:

- War hoggaankii ii soo dhiiba ku dheh dadka  hoosta jooga.

Markaas baa  ninkii dadka  ugu hooseeyey damcay in uu xarriga dhulka ka soo qaadooo u dhiibo  dadkii ka sareeyey. Goortii  ninkii  hoose foorarsaday oo is yiri xariggii soo qaad  baa  dadkii kore oo dhammi  soo daateen. Ninkii ugu korreeyey baa ratiga dabadiisii u soo ruqday, markaasuu yiri :

- Hoheey! Dhul ii ma dhowa
Dheefna ma helin!

Sidaas bay warisay Sheekoxariiradan Soomaliyeed oo muujinaysa hawoweynida qof oo himiladiisu tahayin uu ka jibakeeno ama ka adkaado abuurta ku wareegsan.  Maantana waxaynuba aragnaa  in loo sahan tegey Xiddigaha iyo ka shishay.

1) Waxaa la yiraahdaa Calmiskeed oo ka mid ah buuraha  Golis  ee Gobolka Sanaag bay ahayd buurtaasi
--
WQ: Axmed Cartan Xaange
Almadow Post

3 kommentarer:

  1. Halkan hoose ku qor sheekadan ma ka heshay!

    SvaraRadera
  2. Waxa la yiri:
    Awrkii cirka nin daya mooyiye
    Nin dayoo ka taga nooyiye
    Nin dabrada dad laga waa

    SvaraRadera
  3. Mahadsanid Qoraa. Waa sheeko quudisey Hummaageyga, Waa Xiiso gaar ah in sheeko-xariirooyin sidaas u Culus ay gaar u yihiin dadka Soomaaliyeed lagana Hindisey Dhulka Aan u nasab sheegto.

    SvaraRadera